Madaxda Turkiga iyo Ruushka Maxay ka dhaheen dilka Safiirkii Ruushka ee Ankara ?

0

Madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay dilkii loogaystay safiirkii dalkiisa u fadhiyay dalka Turkiga inuu ahaa tallaabo daandaansi ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo dadaalada nabadda ee Suuriya.

Andrey Karlov ayaa waxaa dilay askari boolis ah oo fasax ahaa xilli safiirku uu khudbad ka jeedinayay madxaf lagu soo bandhigayay sawirro.

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa isna dilka safiirka ku tilmaamay inuu yahay weerrar lagu soo qaaday qarankiisa.

Safiirka Ruushka ee Turkiga, ayaa nin hubaysan uu ku toogtay magaalo madaxda Turkiga ee Ankara, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka.