Maalinta Booliska Soomaaliyeed oo maanta laga xusayo Muqdisho

0

Waxaa manta ay ku beegantahay maalinta la aas-aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in qaybo dalka ka mid ah munaasabado maalintan lagu xusayo ay ka dhacaan.

Waxaa xuska maanta uu noqonayaa Sanad-guuradii 73-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Booliska Soomaaliydd. Waxaana la filayaa in Munaasabadaha ugu waa wayn ee xuskan ay maanta ka dhacaan Muqdisho.

Dugisga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiya ayaa sida Wararka ka imaanaya ay sheegayaan waxaa ka soconaya diyaar garow loogu jiro qabashada munaasabad ballaaran oo Xuska maalinta Booliska ah.

Madaxda dowladda iyo marti sharaf kale ayaa la filayaa inay halkaas u tagaan ka qayb galka Xuska maalintan.

Amniga Caasimada ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana Ciidamo kuwa ammaanka ilaaliya ah lagu arkayaa Wadooyinka waa wayn ee Caasimada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uhanbalyeeyay Ciidanka Booliska Dowlada Dhexe iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada.

Booliska Soomaaliyeed wuxuu ahaa Ciidan muddo badan soo shaqaynayay, waxaana dhismihiisa bilaabay Guumaystihihii Talyaaniga ee Guumaysanayay Gobolada Koonfureed ee dalka,waxaa dib u dhisay Guumaystihii Ingiriiska,dabadeedna waxaa si rasmi u dhisay Maamulkii Wasaayada Talyaaniga.

Sanadkii 1960-kii markii ay umada Soomaaliyeed xornimada ka qaateen Guumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska,ee la Mideeyay Ciidamadii Booliska ee Gobolada Waqooyi iyo Koonfur,wuxuu Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu noqday Gen. Maxame Abshir Muuse ‘’Haamaan’’.

Maxamed Abshir Muuse Haamaan markii uu hogaanka Ciidanka noqday wuxuu Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u dhisay si Heer Caalami ah,wuxuu u sameeyay Waaxyo kala duwan oo si hufan u guta waajibaadkooda Qaran.

Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Abshir Muuse wuxuu Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u horseeday inay noqdaan kuwo isku xiran guud ahaan,waxaana Wararka dhacdooyinka dalka ay isku gaarsiin jireen 24-saac gudahood,waxay noqdeen Ciidamo Karti,Akhlaaq iyo shaqo wannaag ku sifoobay,waxayna muddo kooban kaga dhexmuuqeen guud ahaan Ciidanka Booliska wadamada ku yaala Qaarada Afrika.

Wargeyska Washington Post ayaa Warbixin uu Daabacay  (March 17, 2003) wuxuu Gen. Maxamed Abshir ku tilmaamay in waqtigii uu hogaaminayay Ciidanka Booliska ay sameeyeen hormar balaaran,ayna ahaayeen Ciidan tababaran,leh Akhlaaq wananagsan,guta Waajibaadkooda Qaran,kana hufan Musuqmaasuq iyo Eex.

Ciidanku wuxuu taageero ka heli jiray Dalalka reer Galbeedka,gaar ahaan Jamhuuriyadii Federaalka ee Jarmalka.