LIVE U DAAWO:- Safiirkii Ruushka oo Dadka hortooda lagu tooganaayo

0

Waxan Halkan idin kugu soo gudbineynaa Muuqaalka Safiirkii Ruushka ee Dalka Turkiga oo si toos ah loo tooganayo iyo Ninka toogtay oo Takbiirta ku dhawaaqaya.

Safiirka Ruushka ayaa ku sugnaa meel madxaf ah oo ay ka socotay bandhig farshaxan, waxaana laga toogtay dhabarka dambe.

Ninka toogashada geystay ayaa ku qeylinayay Allaahi Akbar iyo erayo ay ka mid yihiin joojiya gumaadka ay ku heysaan magaalada Aleppo ee dalka Suuriya.

Ninka oo Bastoolad ku hubeysnaa ayaa ka hor inta uusan toogan Safiirka taagnaa dhabarkiisa dambe, xilliga uu Safiirka khudbada jeedinayay.

Ciidamada Turkiga ayaa toogtay ninka dilka ka dambeeyay, waxaana ninka uu dhaawacay dhowr ruux kale oo ku sugnaa Matxafka ay ka socotay bandhiga Farshaxanka.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=7vXR8SyrA6c