Kenyaan lagu dilay Soomaaliya iyo Warar Hordhac oo soo baxaya

0

Wararka laga helayo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Qarax Xoogan lagu beegsaday Kolonyo ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Kenya .

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjooge la hadlayay Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 5 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Kenya.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in Qaraxa miino oo ahaa mid xoogan lagu burburiyay mid ka mid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada Kenya.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa lagu beegsaday Ciidamada Kenya.