Dagaal u dhexeeya Beeraleey iyo Xoolo dhaqato oo ka dhacay Duleedka Jowhar

0

Dagaal u dhexeeya Beeraleey iyo Dad Xoolo dhaqato ah ayaa Maanta ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan Degaanka Gaashaanle oo hoostaga Degmada Jowhar.

Dagaalka ayaa Sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala Gaaray Dhinacyada ku dagaalamay Degaanka Gaashaanle.

Labo Qof ayaa hadda la xaqiijiyay in dagaalka Maanta ay  ku dhinteen  islamarkaana Tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshebeelle ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalka ka socda Degaanka Gaashaanle ee Gobolka Shabellaha dhexe.