Dadka Afrikaanka ah oo 46% ay dhiigkar qabaan

0

Cabdidda khamriga iyo sigaarka iyo cuntada oo aad loo cuno ayaa sare u qaada halista loogu jiro in cudurka la qaado

Cilmi baaris ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.

Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.

 

Soosaaraha warbixintan ayaa sheegay in arrintan la ogaaday ay tahay wax la yaableh maadaama uusan filaynin in uu arrintaas oo kale arko mudo tobanaan sano ah.

Magaalooyinka ay dadku ku soo badanayaan, cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayd, khamrida sida xad dhaafka ah loo cabo iyo jimicsi la’aan ayaa lagu sababeeyay dhibaatadan.