Boliiska Jarmalka ayaa sheegay inaysan hubin ninka ay hayaan uu yahay kii weerarka gaystay

0

Boliiska Jarmalka ayaa sheegay inaysan hubin inuu yahayninka ay hayaan kii gaystay weerarkii gaariga ee shalay ka dhacay suuqa Kirismaska ee Berlin ee dilay 12 qof, 48 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Lama hubo ninka aan hayno inuu haa darawalkii gaariga” ayuu sheegay maanta madaxa boliiska Berlin ee Klaus Kandt.

Ninka la hayo ayaa ka yimid Pakistan, wuxuuna Jarmalka imaaday dhamaadka sanadkii hore. Waxaa lagu qabtay meel u jirta 2km meesha weerarka ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay “in gaar ahaan ay tahay wax aad u xun” haddii la cadeeyo inuu yahay qaxooti qofka weerarka qaaday.

Waxaa lagu soo waramayaa in lagu ogaa danbi yar oo uu galay, laakiin ma ahayn wax argagixiso la xiriira.

Warfaafinta Jarmalka ayaa sheegtay in boliiska uu baaray xarun qaxooti oo ninka uu deganaa.