AMISOM oo qiratay inay ka dambeeyeen dadkiii rayidka ee lagu dilay gaarigii lagu gubay Qoryooleey.

0

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay Ciiddankooda dileen 6 qof oo la socotay Bas ku sii jeeday ]Baydhabo. Kadib, markii uu Draeewalku joogsan waayey Bar Kontorool, waa sida ay hadalka u dhigeen.

AMISOM  ayaa sheegtay inay Ciiddankooda maalintii Sabtida ee la soo dhaafay Bar Kontorool ka samaysateen Gobalka Sh/hoose, kadib, markii Hoobiyayaal lagu soo duqeeyey.

“Gaari bas ah ayaa ka soo gudbay Jid-gooyadda AMISOM, waxaana lagu amray inuu joogsado, balse Dareewalkii ma qaadanin Amarkii, taasi oo Ciiddanka ku khasabtay inay toogasho ku dilaan 6 qof oo la socotay Baskaasi” ayaa lagu yiri Warka-qoraalka ee AMISOM.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay Ciiddanka AMIOM si ku-talagal  ah Baasuuke ugu dhufteen Baskaasi oo khudaar u waday Baydhabo.

Dhinaca kale, Saraakiisha Deegaanka waxay ku eedeeyeen Ciiddanka AMISOM inay 11 qof oo rayid ah ku dileen labo weerar oo ka kala dhacay Qoryooleey iyo Marka.