TOOS U DHAGEYSO:- Warar cusub oo ka soo kordhay Dagaalkii ka dhacay Qandala

0

Dagaal ayaa ka dhacay meel 30 km koonfur kaga beegan degmada Qanadala ee gobolka Bari ee Puntland, oo dhowaan laga saaray maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada sheegtay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish, waxaana uu yimid kadib markii ciidanka Puntland weerar ku qaadeen goobtaas.

Dagaalka ayaa imanaya maalmo yar un kadib markii ciidamada Puntland ay qabsadeen Qandala oo muddo ka badan bil ay haysteen maleeshiyada.

Taliyaha Ciidamada Badda ee Puntland, Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ka mid ah saraakiisha ku lugta leh howlgalka Puntland ee Qanadala.

HALKAAN KA DHAGEYSO