Guddiga Xalinta khilaafaadka oo sheegay in xaaladooda ammaan ay halis ku jirto

0

Guddiga Xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka ayaa sheegay in xaaladooda ammaan ay halis ku jirto, kaddib markii ay maalmo ka hor laaleen natiijada doorashada 11 kursi oo ahaa kuwo doorashadooda muran iyo dacwado laga keenay.

C/risaaq Barre Jaamac oo ah Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegaya in isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga ay soo gaareen fariimo loogu hanjabayo.

Mr Barre ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay la qaateen Wakiilada Beesha Caalamka ee uu ka mid yahay Micheal Keating ayaa waxaa uu ku sheegay in xaaladooda amni ay halis ku jirto, isla markaana lagu leeyahay lacagihii ay ku degenaayeen hotelka.

“Waxaa khatar ku jira Ammaankeenna, mana helno Mushaarad, waxaan nalagu leeyahay Kharajka Hoteelka” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban C/risaaq Barre Jaamac oo ah Muwaadin Somali-Dutch.

Idaacada Dalsan  ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in xafiiskii Guddiga xalinta khilaafaadka ku lahaayeen magaalada Muqdisho albaabada loo laabay, iyadoo madaxda iyo howl wadeenada Guddiga ay maanta ka ambabixi doonaan Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga ee sheegay in xaaladooda ammaan halis ku jirto ay ku wajahan yihiin magaalada Nairobi, halkaasoo si KMG ugu shaqeyn doonaan.

Mas’uuliyiinta Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa badankood ah dad qurba-joog ah, waxaana Guddiga maalmihii la soo dhaafay uu wajahayay culeysyo.

Micheal Keating ayaa warqad uu shalay ka soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in Guddiga xalinta khilaafaadka looga baahan yahay inuu sharaxaad ka bixiyo halka ay ku dambeeyeen 13 kursi iyo sida loo xaliyay cabashada laga keenay, kaddib markii Guddigu horay u sheegay inuu haayo kiiska 24 kursi, isla markaana maalmo ka hor 11 kursi kaliya ku soo koobay kuwo natiijada doorashadooda la laalay.

Guddiyada Federaalka ee doorashooyinka iyo Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa howlahooda ay tahay mid gabo gabo ah, waxaana marka uu si rasmi ah u fariisto Baarlamaanka, lana dhaariyo Xildhibaanada howsha doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha la wareegi doona Baarlamaanka.