DHAGEYSO:- Xal laga gaaray Dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dib u heshiisiin rasmi ah la kala dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayaa ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada , waxaana maamulka Gobolka Hiiraan ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay sidii xal looga gaari lahaa dagaalada ka dhaca Magaalada Baledweyne iyo sidoo kale degaanada Hoos yimaada.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Hiiraan Salaad Xassan Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beeleedyo kusoo noqnoqday gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ay isku keeneen Odayaashii iyo bilihii ku dagaalamay Baledweyne ,islamarkaana xal laga gaaray dagaaladaasi.

Xoghayaha ayaa sidoo kale xusay in ay rajaynayaan in dagaal beeleed dambe uusan ka dhacin gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-