DHAGEYSO:- 23 Qof oo ku Geeriyootay gobolka Hiiraan

0

Degmada  Jalalaqsi iyo degaanada Hoos yimaada  waxaa ka dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka , waxaana la sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay u dhinteen 23- Qof.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in 23 qof ay u dhinteen Cudurka Shuban biyoodka , islamarkaana dad Kale ay la ildaran yihiin.

Waxaa uu sheegay in dadka laga soo daabulayo tuulooyinka Hoos yimaada degmada  Jalalaqsi.

Waxaa uu xusay in hadda ay Isbitaalka yaallaan 18 qof.

Dadka u dhintay Cudurka ayaa waxaa uu sheegay in ay u badan yihiin Carruur.

Hoos ka Dhageyso Codka:-