DHAGEYSO+SAWIRO:-Duuliye Maxamuud Maxamed Guuleed oo Aas Qaran Muqdisho loogu sameeyay

0

Magaalada Muqdisho maanta waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee General Maxamuud Maxamed Guuleed oo ahaa Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Gudoomiyihii shirkadda Somali Airlines oo ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Jeneraalka ayaa waxaa Aas Qaran loogu sameeyay xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali ayaa ka sheekeeyay Taariikhda uu ka garanayo Marxuumka geeryoodey iyo howlihii uu ka soo qabtay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la cafiyo Marxuumka, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in loo duceeyo.

Allaha u naxariistee Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya General Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa 7-dii Bishan December ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ka dib markii uu muddo ku Xanuunsanaayay Isbitaal ku yaalla Dalkaasi.

Duuliye Sare Jeneraal Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa ku dhashay Tuulada Dacar buluq oo u dhow Magaalada Berbera ee Goboladda Waqooyiga Sanadku markuu ahaa 1943.

Hoos ka Daawo Sawirada, Kana Dhageyso Codka:-

15326393_342972886078889_5405191294746181226_n 15338699_342972796078898_444423913740190350_n 15355753_342972789412232_5493274081863127290_n 15380665_342922086083969_4051715566384846677_n 15439815_342922099417301_4120897375198707945_n 15439849_342922136083964_4299978948345283530_n