XOG CUSUB:- Maxaa Kismaayo uga qorsheysan Xasan Sheekh ?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Socdaalka Xasan Sheikh ee Kismaayo ayaa jawaab u ah midkii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid uu jimcihii ku tagay magaaladaasi,kaasi sababay in khilaaf uu soo kala dhex galo Labada Mas’uul.

Madaxweyne Xasan ayaa magaalada Kismaayo kula kulmi doona madaxweynaha Jubba Land Axmed Madoobe,isagoo kala hadlaya arimaha doorashooyinka iyo waliba inuu saxiixo Liiska Xildhibaanada Labada aqal oo maalin ka hor uu sharuud ku xiray.

Axmed Madoobea ayaa sheegay inuusan saxiixeyn Xildhibaanada ilaa laga xaliyo tabashada ay Doorashada ka muujinayaan Puntland.

Sidoo kale,Xasan Sheikh ayaa inta uu joogo Kismaayo wuxuu la kulmayaa Xildhibaanada Labada aqal ee lagu doortay magaalada,isagoo u bandhigaya Barnaamijkiisa cusub ee uu ku doonayo inuu mar kale dib hanto xukunka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu meesha ka saaro fikrada Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in dalka is bedel u baahan yahay, waxaana uu diyaar u yahay inuu kala fur furo siriqda uu u dhigay Mr Cumar C/rashiid.

Waxaa kaloo Madaxweynuhu weydiisan doonaa in mar kale fursad loo siiyo xilka madaxtinimada, isla markaana ay taageeraan halku dhigiisa ahaa “Qabyo Ninkeeda dhameystiro”.

Olole balaraan oo dhanka Doorashada ayaa hada ka taagan dalka,waxaana jira musharaxiin badan oo socdaalo ku tagaya magaalooyinka xarumaha u aha maamul Goboleedyada dalka.