XOG CUSUB:- Axmed Madoobe iyo Musharixiinta Maxaa kala heysta ? Xasan Sheekh,C/raxmaan C/shakuur iyo Cumar C/rashiid

0

Madaxweynaha Jubba Land Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe ayaa hal kursi ku wada qaabilay Labo musharax oo midka seddexaad lagu wado inuu maanta kula kulmo xarunta madaxtooyada KMG jubba Land ee Kismaayo.

Ujeedka seddexda musharax ayaa isku mid ah,waxayna kala hadleen sidii taageero buuxda uga heli lahaayeen isaga iyo Xildhibaanada ka imaanaya Jubbooyinka ee Labada aqal.

C/raxmaan C/shakuur iyo Cumar C/rashiid oo Labadaba ah musharixiin quudareynaya xilka ugu sareeya ee dalka ayaa Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe oo ah hogaamiye Goboleed,kaasi oo ay u arkeen hadii ay taageero ka helaan ay ku liibaani karaan.

Inkastoo warka Cumar C/rashiid uu cad yahay,islamarkaana taageero dhab ah uu ka heysto Axmed Madoobe & Xildhibaanadiisa ayaa hada waxaa jira warar sheegaya in C/raxmaan C/shakuur uu Kismaayo ku soo bandhigay howlaha uu damacsan yahay iyo mowqifkiisa musharaxnimo.

Dhanka kale,Musharaxii seddexaad ee ugu saameynta balaaran ayaa lagu wadaa inuu maanta Kismaayo kula kulmo madaxweynaha Jubba Land,si uu xooga u soo xajisto taageero uu ka helo Xildhibaanada aqal eek a imaanaya deegaanada Jubbooyinka.

Lama oga rajada  taageero ay heli karaan Labada musharax ee Xasan Sheikh iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur,balse waxaa jira muhiimad ay u arkaan iney soo bandhigaan musharaxnimadooda.

Safarada Kismaayo ayaa khilaaf ka dhex abuuray madaxda ugu sareysa dalka ee Xasan Sheikh iyo Cumar C/rashiid ka dib markii ay hawada isku mariyeen hadalo kul kulul.