Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Fiqi oo tanaasulay doorasha maanta ka dhaceysa Baydhaba

0

Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo doorashada xubnaha  aqalka hoose ee ka socota Magaaladaas.

Kuraasta maanta lagu tartamayo ayaa la sheegayaa in ay ku tartamayaan Raggii kiu fadhiyay oo difaacanaya iyo kuwa doonaya in ay isbeddel ku sameeyaan kuraastaas.

Kursiga ugu horreeya waxaa ku tartamaya Xasan Xaaji Ibraahim oo ah Musharrax madaxbanaan kana tirsaneyn Urur gaar ah iyo Xasan Macalin oo Kursiga difaacanaya taageeranaya ka helaya Madaxtooyada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kursiga kale waxaa ku tartamaya Xuseen Maxamed (Badni) oo Kursiga difaacanaya taageero wanaagsanna ka heysta Madaxweynaha Mamaulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan halka Musharraxa la tartamaya ee Cumar Biikole oo yahay Musharrax isna madaxbanaan oo aan taageero Siyaasadeed ka heysan Siyaasiyiinta Dalka.

Kuraastan waxaa iska leh Beesha Dabarre,waxaana tartanka isaga baxay oo Tanaasulay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladdii Sheekh Shariif, Cabdixakiin Xaaji Fiqi,kaas oo doonayay markii hore in uu galo baarlamaanka cusub.

Kuraasta lagu dooranayo baydhaba maanta ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee wajiga ugu dambeeyay  doorashada Xildhibaannada ka soo galaya aqalka hoose dhanka Koofur Galbeed.