WAR DEG DEG:- Wiil uu dhalay Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay G/Sh/Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degmada Kuntuwaarey ee isla Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaa lagu dilay Wiil uu dhalay Nabaddoon Caan ka ah Gobolka Shabellaha Hoose oo la yiraado Axmed Xasan Abuukar Xasan.

Dilka ayaa la sheegay in Koox Dableey ah ay geysteen,kuwaas oo Goobta ka baxsaday.

Goobjoogeyaal ayaa Noo Xaqiijiyay in Marxuunka la dilay oo lagu Magacaabo Axmed lagala baxay Gurigiisa oo ku yaalla Duleedka Degmada Kuntuwaarey.

Wararka ayaa intaa ku daraya Dilka loo maleynayo inuu Salka ku hayo Aano Qabiil.