TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Gaalkacyo Amaankeeda oo la damaanad qaaday iyo War lagu farxo oo Goordhow na soo gaaray

0

Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ee dhinacyada Galmudug ,Puntland iyo xubno kale ayaa shalay gaaray goobihii dhawaan lagu kala qaaday ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay diyaar u yihiin in ay xaqiijiyaan ammaanka Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Dhanka Galmudug Cabdirashiid Carte ayaa sheegay in ammaanka uu wanaagsan , islamarkaana dadka shacabka ah looga baahan yahay in ay kusoo laabtaan Magaalada.

Xasan Maxamed Khaliif Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ay damaanad qaadeen ammaanka Gaalkacyo sidaas darteedna loo baahan yahay in dadka shacabka ah ay kusoo laabtaan Magaalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO

1 2 3 4 5 6 7 8