TOP NEWS:- Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Koofur Galbeed oo Maanta la soo gaba gabeynayo.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta lagu wado in la soo Afjaro Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Maamul Goboleed ayaa sheegay in Maanta oo Isniin ah ay soo Afjarayaan islamarkaana Kuraas Kooban oo hartay Maanta la dooran doono.

Gabagabada Doorashada Aqalka Hoose ayaa waxaa ka qeyb gali doona Xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa Qorshuhu yahay in lagu soo doorto 69 Mudane oo Aqalka Hoose ah iyo  8 Mudane oo Aqalka Sare ah.