TOP DHAGEYSO:- Madaxda Puntland oo Amar cusub lagu soo rogay

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay hub la galaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso .

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Faarax Shire ayaa sheegay in uusan Aqbali doonin in Garoonka ay hub la galaan Madaxweynaha ,Madaxweyne kuxigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in laamaha amniga Puntland ay xaqiijiyeen ammaanka garoonka Diyaaradaha sidaas darteedna loo baahan yahay in ilaalada iyo hubka Madaxda Puntland ay uga soo tagaan banaanka Garoonka.

Waxaa uu sheegay in wareegto ay horay usoo saareen ay ku mamnuuceen in garoonka Hub lala galo.

HALKAAN KA DHAGEYSO