TOP DHAGEYSO:- ka dib Weerarkii Daacish Soomaalida oo si weyn u cabsanaya

0

Kadib markii uu dhacay weerarki lagu eedeeyey Cabdirisaaq Cali Cartan ee Jaamacada Ohio, magaalada Columbus todobaadki hore ayaa Soomaalida ku nool gobolkaasi Ohio, gaar ahaan magaalada Columbus waxaa ay muujiyeen cabsi ay ka qabaan in dhacdadaasi ay sameyn ku yeelato iyaga. Sidaas la adligeed, ayey bulshada Soomaalidu isku dayeen in ay la shaqeeyaan hayada amniga. Khadro Maxamed Shire waxaa ay ka mid ah tahay aqoonyahanada u dhaqdhaaqo bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaasi, waxaa ayna soo gaartey magaaladan Washington oo ay kaga qeybgalayso kulan ka dhacayo Aqalka Cad, kaas oo dhex marayo maamulka Madaxweyne Barack Obama iyo qeybaha bulshooyinka ee la soo shaqeeyey. Marka hore, waxaa Khadro ay ka waramaysaa imaatinkeeda Waashington iyo waliba arragtida Soamaalida ku dhaqan Columbus ee weerarkii Jaamacada Ohio State University kadib.

HALKAAN KA DHAGEYSO