TOP DHAGEYSO:- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo War cusub ka soo saartay Dilalka Muqdisho ka dhaca

0

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay soo qabtaan kooxaha dilalka u geysta dadka bulshada waxtarka uleh.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho habeen iyo maalin walba lagu dilo dad ,islamarkaana la sheego in ay baxsadeen kooxihii dilka geystay , sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay soo qabato dadkaasi.

Waxaa uu sheegay in bilihii u dambeeyay Muqdisho lagu dilay dad aad u badan ,islamarkaana aysan jirin badankood in lasoo qabtay dadkii dilay.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Sheekh Bashiir in ay mas,uliyad ay ka saaran tahay in ay gacanta kusoo dhigto Kooxaha dilalka ka geysta Muqdisho.

Intabadan dabley hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa Muqdisho , waxa ay ka geystaan dilal qorshaysan.

HALKAAN KA DHAGEYSO