TOOS ULA SOCO:- Maxaa Maanta ka cusub Baydhabo ?

0

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo waramaaya in maanta halkaasi lagu soo gabagabeyn  doono doorashada Aqalka Hoose oo ka socotay Bilihii lasoo dhaafay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddaa in uu Maanta doorto kuraastii ugu dambeysay ee laga rabay xildhibaanada degaanada maamulka Koonfur Galbeed ka imaanaya oo gaaraya 69 mudane.

Guddiyada doorashooyinka heer Maamul goboleed ayaa laga soo xigtay in doorashadii ugu dambeysay ee xubnaha Aqalka Hoose ay Maanta ka dhici doonto Baydhabo.

Soo gabagabeynta Doorashada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan xubno ka socda beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya.