TOOS U DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Qandala iyo Saaka waxa ka cusub

0

Wararka saakay naga soo gaarayo degmada Qandalla ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ay ka jirto,islamarkaana Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin xaafado degmadaasi ka tirsan.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Puntland oo lagu magacaabo C/naasir Ceynab Cali ayaa warbaahinta u sheegay in xeelad dagaal uga baaqsadeen in gudaha ay u galaan degmada,islamarkaana laga baqayo in miinooyin ay aaseen ururka Daacish waxyeelo ay ka soo gaarto.

Ururka Daacish ee ku sugnaa degmada Qandalla ee Gobolka Bari ayaa u cararay dhanka dhulka howd,iyagoo ka hor inteysan bixin wada miineeyay wadooyinka muhiimka ah ee ay gaadiidka dagaalka isticmaali karaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO