TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed Fara gelinta iyo Musuq maasuqa uu ku hayo Cadaado oo la soo bandhigay

0

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu eedeeyay inuu fara gelin ku hayo doorashada ka socoto magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Xildhibaan C/qaadir Max’ed Aadan Sandheere oo ah musharax u taagan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ayaa sheegay in C/kariin Xuseen Guuleed uu fara gelin ba’an uu ku hayo Doorashada,islamarkaana uu soconayo amarkiisa.

Guddiga Doorashada Heer gobol ayuu sheegay ineysan u madax banaaneyn howsha doorashada,wuxuuna tilmaamay inuu gacanta kula jiro madaxweyne C/kariin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kursiga jufadiisa ee beesha Shiiqaal uu rabo in uu isaga u’tartamo uu madaxweynaha Galmudug uu doonayo in uu sixoog ah ku galiyo dad uu isaga wato asagoona ku baaqay in arinka wax laga qabto
hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili ee isa soo tarayaan dhaliilaha laxariira doorashada ee inta badan loo jeedinayo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed.

HALKAAN KA DHAGEYSO