Shaqa joojinta dhaqaatiirta Kenya oo saameyn ku yeelatay shacabka

0

Dhaqaatiirta dalka Kenya ayaa billaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushaar kordhin, taas oo qeyb ka ahayd heshiis ay dowladda la galeen seddex sano ka hor.

Shaqo joojinta ayaa curyaamisay in kabadan 2000 oo xarumo caafimaad oo dowladda Kenya ay maamusho.

Waxay sidoo kale dhaqaatiirta dalbanayaan in shaqaale badan la qoro si culeeyska uu uga yaraado shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda.

Dowladda ayaa shaqo joojinta ku tilmaamtay mid sharcidarro ah, maadaama maxkamad ay amartay in dib loo dhigo illaa dhammaadka bishan si labada dhinac ay u wada hadlaan.

Dhaqaatiirta waxay sheegeen in xitaa howlaha degdegga aysan qaban doonin muddada shaqo joojinta ay socoto.Tallaabadaasi ayaa halis gelin karta nolosha kumannaan qof oo aanan awoodin inay aadaan cisbitaallada gaarka loo leeyahay.

Cisbitaallada aan shaqeyneyn waxaa ka mid ah, kuwa dhalmada, cudurrada maskaxda iyo qaybaha qalliinada lagu fuliyo.

Mid ka mid ah cisbitaallada lagu daweeyo dadka qaba cudurrada dhimirka ayaa la sheegayaa in illaa 100 bukaan ay ka baxsadeen.

Cisbitaalka Madare ee Nairobi ayaa lagu hayaa boqollaal qof oo xanuunsan kuwaas oo dowladda ay caawiso.

Ciidammada waxay sheegayaan in qaar ka mid ah bukaanada ay soo qabteen, kuwa kalana ay weli raadinayaan.