Ra'iisul wasaaraha Taliyaaniga, Matteo Renzi oo is casilay

0

Ra’iisul wasaaraha dalka taliyaaniga, Matteo Renzi, ayaa is casilay ka dib markii looga guuleystay aftidii loo qaaday is bedel lagu sameeyo dastuurka dalka.

Shir jaraa’id oo xalay uu qabtay wuxuu ku sheegay inuu qaadayo masuuliyadda natiijada ka soo baxday aftida.

Siyaasiyiintii u ololeyneysay diidmada isbedelka ayuu ugu baaqay inay qorshe cad soo gudbiyaan.

Natiijada hordhaca ah waxay muujineysaa in “MAYA” ay ku horeyso 60 boqolkiiba, halka “HAA” ay heshay boqolkiiba 40.

Dadka u soo baxay codeynta waxaa lagu qiyaasayaa boqolkiiba 70, taas oo keentay in dad badan ay diidaan dalabka ra’iisul wasaaraha iscasilay.