Nin derbi jiif ahaan jiray oo noqday taajir maalgashade ah

0

Xilligii Chris Gardner iyo wiilkiisa ay jiifan jireen meelaha u dhow musqulaha, marna ka muusan fikirin in sheekada noloshiisa ku saabsan loo bedeli doono filim Hollywood ah oo hirgala.

Waxay ahayd 1980-maadkii, markii Mr Gardner, oo ahaa xilligaas 27 sano jir, iyo cunugiisa ay ahaayeen guri la’aan ayna ku noolaayeen San Francisco.

Waxaa derbi jiifnimada ku wehlisay xaaskiisa. Waxaana arrintaasi ku kalliftay ka dib markii laga saaray gurigii ay deganaayeen oo kirada ay bixin waayeen.

Mararka qaar waxay seexan jireen meelaha gawaarida la dhigto, kaniisadaha nawaaxigooda ama miisaska hoostooda.

Waxay cuni jireen cuntada la soo daadiyo, lacagta yar ee maalintii uu helana wuxuu ku bixin jiray iskuul uu wiilkiisa geeyay.

 

Dhibkaasi aawadii, Mr Gardner wuxuu ku dadaalay inuu shaqo helo. Wuxuu billaabay inay shirkad ka caawiyo iibinta saamiyada.

Balse tababar ka dib, maamulihii shirkadda DWR, wuxuu siiyay shaqo.

Markii dambe wuxuu awood u yeeshay inuu guri kireysto. Shaqadiisa ayaana kor u kacday.

Sanadkii 1987-dii, wuxuu furtay shirkad maalgashi oo uu asiga leeyahay oo uu ugu magacdaray, Gardner Rich.

Hadda, Mr Gardner waa 62 sano jir, dhaqaalihiisana waxa uu gaarayaa 60 milyan oo dollar.

Caalamka oo dhan ayuu u safraa, wuxuuna noqday qof jeediya hadallada dhiiragelinta leh.

Wuxuu maal geliyaa hay’adaha caawiya dadka guri la’aanta ah iyo hay’adaha ka hortaga xadgudubka ka dhanka ah dumarka.