Maxkamad sare oo dhageysaneysa kiis ku saabsan Brexit

0

Maxkamadda sare ee Britain ayaa maanta dhageysaneyso kiis ku saabsan in baarlamaanka looga baahan yahay ogolaansho, ka hor intaan lagu dhawaaqin qorshaha Britain ay uga bexeyso Midowga Yurub.

Illaa 11 garsoorel ayaa dhageysan doono dalabka dowladda ay bishii hore u gudbisay maxkamadda sare.

Dowladda ayaa diidan go’aan maxkamad kale ay gaartay kaas oo ahaa in baarlamaanka ay awood u leeyihiin inay wax ka badalaan qodobka 50-aad ee dastuurka.

Dhageysiga maxkamadda sare ayaa socon doono afar maalmood, balse go’aanka waxaa la filaayaa inuu soo baxo sanadkan soo socda.

Natiijada waxaa suuragal ah inay caqabad ku noqoto istiraatiijiyadda Theresa May ee ka bixidda Midowga Yurub.

Britain ayaa bishii June ee sanadkan u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub, ka dib afti laga qaaday shacabka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta dalka Britain ayaa billaabay inay garsoorayaasha ku eedeeyaan inay isku deyayaan inay hor istaagaan rabitaanka shacabka.