Maraykanka oo qirtay inuu ku cuslaaday Dagaalka dib loogu qabsanayo Mosul.

0

Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Ashton Carter ayaa maanta sheegay inay suurtogal tahay in Dagaalkaasi la soo af-jaro ka hor inta uusan Donald Trump la wareegin Xafiiska Madaxtinimadda Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay suurtogal yahay  inuu dagaalkaasi noqdo mid culus si looga guuleysto Kooxda Daacish oo Mosul haysatay tan iyo sannadkii 2014-kii.

isisKu-dhawaad 100,000 Askari oo ka tirsan Milliteriga Dowladda Iraq, Maleeshiyooyinka Kurdishka iyo Shiicadda iyo Isbahaysiga Maraykanka ayaa  si wadajir ah dagaal cirka iyo dhulka ugu qaaday magaalladda Mosul oo ay ku xoogan yihiin Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

Saraakiisha Ciraqiyiinta ayaa sheegay inay qabsadeen inta badan magaalladda Mousl oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn Waqooyiga Iraq.