FAAHFAAHIN:- Halka ay ku sugan yihiin Ciidanka Puntland iyo Warar ku saabsan Qandala

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraaya Magaalada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Puntland ay u jiraan Magaalada Waxka yar 45 KM .

Ciidanka ayaa shalay dagaal kula galay Kooxda Daacish duleedka Magaalada Qandala , waxaana la sheegaya in halkaasi lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish.

Saraakiisha ciidanka ayaa wali sheegaya in aysan galin Magaalada , laakiin ay gali doonaan Saacadaha soo socda.

Ciidanka Puntland ayaa Hadda waxa ay joogaan degaanada Karin Qandala iyo sidoo kale Af-baashashin oo ku dhow Magaalada Qandala.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in ciidanka ay gali doonaan Magaalada Saacadaha soo socda Madaam uu sheegay in kooxda ay dhufeysyo waa weyn ay ka sameysatay Magaalada ayna adag in si fudud looga saaro.