Dowladda Kenya oo Dhameystirtay 3-KM Derbiga Kenya ay ka dhistay Xadka

0

Dowladda Kenya ayaa Dhameeeystirtay Qeybtii Koowaad ee Darbiga ay ka dhiseeyso Xuduudda ay la Wadaagto Soomaaliya, 3-dii KM ee u horreeysay  ayaa hadda La dhameeystiray kadib markii Ciidamadda Dowladda Kenya ay Si Toos ula Wareegeen Amaanka Goobaha ay Dhismooyinku ka Socdeen Laba Bilood ka Hor.

Mashruuca Dowladda Kenya ay Barbiga uga Dhiseeyso Xuduudda  ayaa waxaa Shaaca Ka Qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Kenya Sanadii 2015 kii.

Kenya ayaa Go,aansatay Dhisidda Darbigaan, kadib markii Bishii April ee Sanadkii Hore weerar lagu Qaday Jaamacadda Magaaladda Garisa ee Gobolka Woqooyi Bari Dalka Kenya, oo ay ku dhinteen 140 Ruux.

Ingineeradda Dowladda Kenya ee ku mashquulsan Dhisadda Darbigaan ayaa waxaa ay Sheegeen Qorshohoodu yahay in ay Dhameeystiraan 30 KM Afarta Bilood ee Soo socota.

Sidoo kale ingineeradda ayaa ka Waramay in Shaqadooda ay Fududeeyneeyso Wada Shaqeeynta Ciidamadda Dowladda Kenya iyo Kuwa Soomaaliya oo Amaanka Xuduuddda Siweeyn u sugaya, waxaa ay intaas kudareen inqatarta ugu badan ay ka Imaan karto Dhinaca Buulo Xaawo Halkaasna ay Ciidamadda Soomlidu kal Shaqeeeynayaan Sugidda Amaanka.