DHAGEYSO WAREYSIYO:- BBC-da Afsoomaaliga oo Fashil ka Qabsaday Wariye la’aanteeda Puntland.

0

Laanta Afka Somaliga ee BBC-da oo in kabadan Nus Qarni la hadlaysay buslahada Somalida, ayaa muddooyinkii dambe tartan adag kala kulmaysa laanta af-Somaliga VOA taasoo daafaha kala duwan ee Somalia ka joogaan wariyeyaal kala duwan.

Idaacaddan oo la aas-aasay 18 July, 1957, ayaa si toos ah ula hadasha waqtiyo kala duwan bulshada ku dhaqan Gees Africa iyo waliba caalamka, waxaana ka baxa 24 saac Afar Barnaamij kuwaasoo lagusoo qaato arrimaha ka taagan dunida iyo Somalia.

Inkastoo BBC-da fadhi u tahay magaalada London ee carriga Ingiriiska, hadana waxaa jira dhibaato ka haysata inay si dhab ah uga soo waranto mararka qaarkood guud ahaan  Somalia, maadaama ay yaryihiin wakiillada u jooga.

Labo Wariye oo qura ayaa uga howlga gudaha dalka Somalia, gaar ahaan magaalooyinka Muqdishu iyo Hargaysa, halka Puntland muddo 4 sano ka dhow aysan u joogin Wakiil wareed usoo tabiya xaaladaha gobolkaan aadka u balaaran, kadib shaqo katagistii 2013 uu sameeyay Axmed Maxamed Cali Kismayo oo deegaanadaas uga howlgalayay muddo ka badan 12 sano.

Taasi waxay horseeday in BBC-du oo wali bulshada Somaliyeed aaminsanyihiin inay tahay isha kaliya ee laga heli xaqiiqada jirta, ay tabiso mararka qaarkood warar noocaan kuwasoo ay kasoo xigatey dad sheegtey iney Puntland ka hayaan xil been abuur 04 December, 2016. BBC-da ayaa warkaan maalintii shalay ka baxay idaacdeeda kaga hadlaysay xaaladda degmada Qandalo oo dagaallo ka jiraan taasoo ay ka waraysteen nin sheegtay taliyaha ciidamada Badda Puntland oo lagu magacaabo kornayl Cabdinaasir Caynab Cali oo loo yaqaan Xaayow, halka taliyaha rasmiga ah uu yahay Admiral Cabdirasaaq Diiriye Faarax.

Ninkan oo la hadlay barnaamijka Idacaaddaas ee dunida iyo maanta, ayaa sheegay inay qabsadeen degmada Qandala, isagoo sheegey arrimo kala duwan oo kusaabsan howlgalkaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhacdadan ayaa keentay inay durba ka hadlaan hogaanka ciidamada badda Puntland, waxaana taliyahooda oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA-da uu sheegay inaysan aqoon qofka la waraystay islamarkaana uusan katirsanayn ciidanka badda, wuxuuna intaas ku daray in tafaasiisha howlgalkaas laga waraysto isagoo qura.

HALKAAN KA DHAGEYSO

BBC-da ayaa inta badan dhacdooyinka Puntland ka waraysata wariyahooda ku sugan magaalada Muqdishu, hadii aysan helin mas’uul uga warama xaaladda jirta.

Lama oga sababta ay uga gaabinayso inay deegaanada Puntland BBC-du ka qaadato qof uga warama xaaladaha jira, balse warsidaha GO ayaa fahamsan in warbaahintan saamayn ku yeelatey dhaqaale dhimis lagu sameeyey laanteeda Af-Somaliga taasoo lagu soo koobey maamulka Somaliland, Muqdishu iyo xafiis weyn oo ku yaal Nairobi kuwasoo ka tarjumaya danaha siyasadeed ee dowlada Ingriiska.

Tallaabadii shalay ku dhacdey laanta Af-Somaliga ee BBC-da ayaa hadii wax ka badalin qorshaheeda waqtigaan waxaa ay horseedi karta inay  dhumiso kalsoonida in badan shacabka Somaliyeed gaar ahaan kuwo dagan Puntland.

Xigasho:- Garowe Online