Dabley Askari iyo qof Shacab ahaa ku dilay Muqdisho

0

Kooxo Hubeysan ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Magaalada Muqdisho.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi iyadoona Kooxaha Falkaas geystay ay meesha isaga baxsadeen.

Warar ayaa sheegaya in Dableydaasi ay sidoo kale horay u sii toogteen qof shacab ahaa oo ka ag dhawaa meesha ay ku dileen Askariga.

Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah oo ahaa mid aad u culus.