Booliska Sweden oo baaritaan ku haya dil loo geystay Soomaali

0

Waxaa soo baxaya tuhuno ah in dilkii habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ee loo geystay labo wiil oo walaalo ah ay ka danbeeyaan kooxo dhalinyaro Somali ah oo uu horey dagaal uga dhaxeeyey.

Weerarka ayaa ka dhacay maqaaxi yar oo qaxwaha laga cabo oo ku taala xaafadda Ajaanibtu ku badan yihiin ee Rinkeby banaanka Stockholm.

Kuwa dilka geystay ayaa ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo weliba Bistoolad sida warbaahintu sheegayso, waxaana ay rasaas ku fureen dadkii meesha fadhiyey, halkaas oo labada wiil isla markiiba ku geeriyoodeen.

Booliska ayaa wada baaritaan weyn oo lagu baadigoobayo kuwii dilka ka danbeeyey, waxaana la sheegayaa in ay ahaayeen laba ilaa afar nin oo da’oodu u dhaxayso 20-25 jiro, waxaana ay goobta kaga baxsadeen gaari caddaan ah sida Boolisku sheegeen.

Qaar kamid ah warbaahinta Sweden ayaa sheegaysa in ay dhici karto in falkaani la xiriiro kooxo iska soo horjeedo oo horey shaqaaqooyin ugu dhexmareen isla xaafadda Rinkeby.

Booliska ayaa ku guda jira Baaritaanka ku aadan sidii loo ogaan lahaa Kooxaha dilkaasi u geystay labada muwaadin ee Somaliyed.