AMISOM oo Guulo ka sheegatay Dagaal ay la galeen Al-Shabaab

0

Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa faah faahin waxuu ka bixiyay howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Sh.Hoose.

Taliska ayaa waxuu sheegay in howlgallada oo laga sameeyay Degaanka Bariire ee Gobolka Sh.Hoose ay ku Dileen ugu yaraan 7 Dagaal yahan oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Qoraalka AMISOM ayaa sidoo kale lagu xusay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay dhaawaceen ilaa iyo 9 kale oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Taliska waxuu beeniyay in howlgallooda ay khasaaro u geysteen Dadka shacabka ah ee ku dhaqan Degaanka Bariire ee Gobolka Sh.Hoose.

Hadalka Taliska AMISOM ayaa waxuu imaanayaa xili muddooyinkii dambe la hadal hayay in duqeyn xoogan oo Ciidamada AMISOM ay ku garaaceen Degaanka Bariire ay ku Dileen Aabo iyo labo Caruur oo isaga dhalay.