6 Sannadood iyo 6 Wasiir – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo noqotay wasaaradda ugu baddalka badan xilalka wasiirnimo ee Madaxweynuhu Magacaabo!

0

Tan iyo intii kursiga Madaxnimo loo dhaariyey Madaxweynaha wakhtigan xukunka Somaliland haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu sameeyey isku shaandhayn iyo isku baddal xilalka xukuumaddiisa ah oo aad u tiro badan iyada oo xukuumaddiisu noqotay tii ugu badnayd tiro ahaan taariikhda xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray ayaa wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka mid ah wasaaradaha dalku waxa ay noqotay tii masuuliyiinta ugu badani soo mareen marka la barbar dhigo wasaaradaha kale ee dhiggeeda ah.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo dhammaysanaya sannadkeedii Lixaad ee ay xilka hayso tan iyo markii kursiga loo dhaariyey inkasta oo wasaaradaha qaarkood wasiirkii maalintii ugu horraysay loo soo magacaabay hor taagan yahay haba koobnaadaane haddana waxa jira wasaarado xilalka wasiirradii soo maray sida shaadhka loo kala baddalay waxaana wasaaraddahaasi ugu horreysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maraysa muddadaasi lixda sano ah wasiirkii Lixaad oo uu ugu dambeeyey Mudane Maxamed Axmed Obsiiye oo habeen hore Madaxweyne Siilaanyo xilka wasaaraddan u dhiibay.

Lixda Wasiir Ee Wasaaraddan soo maray:

  1. Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac
  2. Maxamud Axmed Barre (Garaad) (Ilaahay Ha U Naxariisto)
  3. Dr. Cabdi Aw Daahir (Ilaahay Ha U Naxariisto)
  4. Cali Maxamuud Axmed (Sandulle)
  5. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare) – Wasiirkii ugu muddoda yaraa (3 Bilood)
  6. Maxamed Axmed Obsiiye

Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaaradda Macdanta Iyo Biyaha oo noqday labada wasaaradood ee Wasiirkii ugu horreeyey xukuumadda Siilaanyo loo soo magacaabaa wali hor fadhiyo iyada oo sidii Siilaanyo talada u qabtay ay wasaaradahaasi joogaan Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Dr. Xuseen Cabdi Ducaale. Isku baddalka xilalka wasaradaha ayaan inta badan loo eegin kartida masuuliyiinta, waxqabadkooda, daacadnimadooda iyo maamul wanaagooda balse seefta uun ku war hela.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa iyana maraysa wasiirkii lixaad tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay isaga oo wasiir Waabari noqonaya wasiirkii lixaad ee wasaaradda soo mara tan iyo maalintii Madaxweynuhu xukunka dalka qabtay ee uu wasaaradahiisa soo dhisay.