WAR DEG DEG AH:- Mid ka mid ah Wasiiradii uu Xalay Magacaabay Madaxweynaha Somaliland oo Iscasilay

0

Iyadoo Xalay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu Isku-shandheyn ku sameeyay Golaha wasiirada Xukumaddiisa iyo Maamulada Gobolada ayaa waxaa Xilalkii loo Magaaabay diiday Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Yuusuf C/llaahi iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Axmed Caalin.

Labada Mas’uul ayaa sheegay in aysan dooneyn Xilalka uu Madaxweynaha Somaliland u Magacaabay islamarkaana aan lagala Tashanba.

“Waxaan u sheegeynaa Ummadda Reer Somaliland in Xilalka naloo Magacaabay aanan ku shaqeyn doonin oo aan Diidnay,Maadaama aanan horay noogula Wargalin”ayey intaa ku dareen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowr Jeer sidaan oo kale Isku-shaandheyn ku sameeyay Golehiisa Wasiirada,iyagoo Qaarkood sidaan oo kale ay diideen.