WAR DEG DEG AH:- Jeylaani Nuur Iikar oo ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee beelaha banaadiriga

0

Jeylaani Nuur Iikar oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 28 cod, halka Musharaxa la tartamayay C/casiis Cusmaan uu helay 23 cod , waxaana ay aheyd doorasho aad u adkeyd oo labada musharax ee ku tartamayay Kursiga Beesha Shaanshi ee beelaha Banaadiriga uu loolan adag ka dhaxeeyay.

Dad badan ayaa aaminsanaa in Jeylaani uu codod badan uu ku guuleysanayo, waxaana shanta cod ee uu ka horeeyay la sheegay inuu helay xilligii u dambeeyay ee diyaar garowga doorashada, markii uu sameeyay olole xoog leh, oo uu cododka qaar lacago badan ku bixiyay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa markii ay dhamaatay tirinta cododka ku dhawaaqay natiijada doorashad,a isagoo tilmaamay in Jeylaani uu ku guuleystay.

Mr Iikar ayaa waxaa uu cadaadis kala kulmayay Beeshiisa oo ku eedeeyay afartii sano ee uu kursiga ku fadhiyay aanu wax muuqda u qaban.

Doorashada beelaha banaadiriga ayaa gabo gabo ku dhow, waxaana kursi ka mid ah oo ay laheyd beesha Carab Soomaali la geeyay magaalada Jowhar oo ay doorashadiisa ka dhaceyso.

jeylaaniaaa