WAR DEG DEG AH:- C/qaadir Carabow oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose

0

Eng. C/qaadir Carabow ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Daa’uud, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashadna ayaa oaheyd mid aad u adkeyd, isla markaana uu ahaa kursiga ugu muranka badnaa ee kuraasta taalay Jowhar.

Eng. C/qaadir Carabow oo ah nin dhalinyaro ah ayaa helay 31 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Maxamed Axmed Beerey uu helay 20 cod.

Musharaxan laga guuleystay ee Maxamed Axmed Beerey ayaa waxaa watay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale.

Waa musharaxii 3aad ee uu taageerayay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale oo laga guuleysto, iyadoo Musharaxii u dambeeyay ee uu taageersanaa ay aheyd Bakiin Maaxi oo ay ka guuleysatay Drs. Mina Xasan Shibis.

Baarlamaankan cusub ayaa waxaa ka soo muuqday dhalinyaro wax baratay oo fir fircoon, iyadoo taariikh cusub ay dhigeen dhalinyaradii ku guuleysatay kuraastii aqalka Hoose ee deegaanada maamul goboleedyada.

caraboow