WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Puntland oo Qandala la wareegay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland ay Goor dhow Dagaal kula Wareegeen Magaalada oo Mudo Bil iyo 10 Cisho ah ay joogeen Kooxda Xariirka la leh Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa Dagaal Cir iyo dhul ah ku qaaday Kooxda Daacish ee Qandala joogtay,waxaana halkaas ka dhashsay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah.

Lama Oga Khasaaraha soo kala gaaray Labada dhinac,waxaana hadda Qandala si buuxda ugu sugan Ciidamada Puntland.