Shirweynaha 3-aad ee dib u eegista Waxbarashada oo Muqdisho ka furmay

0

Shirweynaha Saddexaad ee dib u eegista Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho ka socon doonaa Labo Maalmood, waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Wasiirada Waxbarashada Maamul Goboleedyada, xubno ka socday Midowga Yurub iyo Aqoonyahano.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaashi oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay shirkan in dib u eegis loogu sameyn doono Mashruucyo badan oo hirgeli waayay.

Maxamed Sabuul oo ah Wakiilka Waxbarashada ee Midowga Yurub oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay Labo Bilyan oo Dollar in ay ugu deeqeen Waxbarashada Soomaaliya, si kor loogu qaado Iskuulaadka iyo Jaamacaha Dalka ka jira.

Soomaaliya 1991-dii ka hor waxaa ka jiray Hal manhaj oo dhameystiran, oo dhamaan Hay’adaha waxbarasho ee Dalka ay isticmaali jireen.