Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku shiraya Maanta

0

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in Maanta magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shir ay ka qeyb galayaan dhammaan Wasiirada arimaha gudaha ee Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wasiir Odawaa ayaa xaqiijiyay in Muqdisho ay soo gaareen dhammaan Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee maamul Goboleedyada Dalka ka jira .

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa dhismaha Dowladaha hoose ee maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.