DHAGEYSO:- Shirka Dowladaha Hoose oo Muqdisho ka furmay

0

Shirka Dowladaha Hoose ee Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa maanta waxa uu ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu socon doonaa Saddex maalmood, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Dhexe, Wasiirada Maamul Goboleedyada Dalka iyo xubno kale.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca amniga, sidii loo xoojin lahaa xiriirka Maamul Goboleedyada iyo sidii loo wadi lahaa Hanaanka dhismaha Maamul Goboleedyada.

prof. Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxa uu ka warbixiyay shirkan iyo waxyaabaha looga hadlayo.

Shirkan Dowladda Hoose ayaa waxaa horey loogu soo qabtay Magaalooyinka Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-