DHAGEYSO:- Shan Milyan oo Soomaali ah oo la sheegay inay cunto la’aan hayso

0

38 Hay’adood oo ka shaqeeya gargaarka ayaa warbixin wadajir ah oo ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in 5 Milyan oo qof oo Somali ah ay hadda wajahayaan cunto yari iyo xoolo la’aan.

Hay’adaha waxaa ay sheegeen in abaarta ku dhufatay Dalka Somaliya ay sababtay in heerka cunta la’aanta uu hoos u dhaco meelaha qaarna Raashinka qiimahiisa laba jibaarmo.

Waxa ay Warbixinta wadajirka ah ku sheegeen in jawaab deg deg ah loo baahan yahay si looga hortago in ay korodho dhimasho ay sheegeen in ay bilaaabatay.

Hay’adahan waxaa ka mid ah Oxfam,Relief International ,World Vision iyo kuwo kale ayaa sheegay in dadka oo u badan xoololey,Beeroley iyo Kalluumeysato ay dhamaan wajahayaan abaar adag oo si siman u saameysay.

Biyaha Cuntada,Xoolaha iyo Miraha Beeraha ayaa dhamaan aad hoos ugu dhacay iyada oo xoolaha iyo dadka ay meelaha qaar u dhimanayaan harraad.

Bilihii April ,June, October iyo December oo uu roobku di’i  jiray hayeeshe uusan di’in ayaa sabab u ah ayey yiraahdeen in ay dhibaatada ay sheegayaan dhalato.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midooney ee FAO,ayaa sheegtay in nafaqa darrada ay sidoo kale kor u kacday,waxaan ay warbixinteeda ku muujisay in 1.1 Milyan oo Qof aysan heli karin cunto ku filan maalintiiba,halka 3.9Milyan oo Qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin in la caawiyo lagana kaalmeeyo cuntada si ay u maareeyaan noloshooda maalinlaha ah.

Warbixinta wadaja jirka ah ayey Hay’adaha ku sheegeen in tusaale Puntland ay 150,000 oo Qof ku barakaceen abaarta Bishii October,sidoo kalena ay 12,000 oo kale ku darsameen Bishii November ee la  soo dhaafay.

Warbixin Hay’adaha ay soo saareen Bishii September ayey ku sheegeen in 31% Dadka Soomaalida ah oo u dhigma 1 Milyan ay cunto la’aan heyso gargaarna u baahanyihiin.

89% Dadka xoolaleyda ah ayaa qofkiiba uu waayay qeyb ka mid ah xoolihiisa,waxaana 77% dhimashada Xoolaha sababay abaarta hadda ka jirta Soomaaliya.

Gobollada Jubbada dhexe iyo hoose ayaa sidoo kale Abaarto aad uga jirtaa iyada oo  Sawirro laga qaaday Satellite-ka ay mujinayaan in Gobolladaasi oo inta badan ay maamulaan Al-shabaab ay ka jirto abaar aad u daran.

Hoos ka Dhageyso Codka:-