DHAGEYSO:- Ra'isal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo xeray Shir loogu hadlaayay abaaraha Dalka ka Jira

0

Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku soo xeray Shir loogu hadlaayay u adkeysiga aafooyinka sida abaaraha soo noq noqda ee Dalka ka jira iyo Fatahaadaha Wabiyada.

Shirka oo 3 Maalin ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka dhacaayay ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka socday Maamul goboleedyda Dalka marka laga reebo Puntland, sidoo kale Xubno ka socday Wasaarada Dowladda Federaalka qaarkood.

Shirka ayaa waxaa soo agaasimay Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya, Waxaa furitaanka Shirkan Warbixino loogu dhageystay Hay’addaha Caawiya Soomaaliya qaarkood oo wax laga weydiiyay wax ay ka qabteen abaaraha ka jira Dalka iyo Fatahaadaha.

Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte oo si rasmi ah Shirka usoo xeray ayaa sheegay in Madaxda Dowladda iyo Maamul goboleedyada ka jira Dalka loogu baahan yahay iney meel ugu soo wadajeestaan wax ka qabashada abaaraha ka jira Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan in hormarka Dalka iyo ka hortaga abaaraha si wadajir ah loogu wada shaqeeyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-