DHAGEYSO:- Odayaasha Beesha Habargidir oo dagaal ka dhan ah AMISOM ku dhawaaqay

0

Waxgarad ka tirsan beesha Habargidir oo maanta ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war ka dhan ah Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gobolka Sh/hoose.

 

Shirkii ka dhacay Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay inta badan Waxgaradka Beesha Habargidir kuwaasi oo shirka ku Iclaamiyay dagaal ka dhan ah Ciidanka AMISOM ee Somalia.

 

Waxa ay ku eedeeyeen AMISOM in aanu aheyn Ciidan dhexdhexaad ah oo ay la safteen beel kamid ah labo beelood oo ku dagaalamaya gobolka Sh/hoose.

 

Habargidir iyo Biyomaal ayaa ku dagaalama gobolka Sh/hoose deegaano ka tirsan waxaa la soo wariyay in dagaalkii ugu danbeeyay ee Ciidanka AMISOM ku gacan siiyeen Biyamaal dagaalkaas.

 

Sidaasi darteed waxa ay ku dhawaaqeen Habargidir dagaal aan loo kala harin oo ay ku qaadaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Sh/hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-