DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Ciidanka Puntland oo dagaal Kula wareegay Degmada Qandala

0

Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa maanta waxaa u suura gashay in ay dib ula wareegaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo mudo bil ah ay heysteen kooxda Daacish.

Dagaal xoog leh oo Ciidanka Puntland ay ku qaadeen kooxda Daacish ayaa waxa ay sababtay in ay la wareegaan Qandala, waxaana kooxda Daacish ay u carareen buuraha duleedka ka ah Degmada Qandala.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii Dagaalay, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.

Korneel C/naasir Ceynab Cali oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka maamulka Puntland oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay Ciidanka Puntland in ay la wareegeen Degmada Qandala.

Ciidamada Puntland ayaa ku howlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyin dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-