DHAGEYSO:- Ammaanka Magaalada Mombasa oo la adkeeyay Cabsi laga qabo Weerarada Al-shabaab

0

Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Mombasa waxana ay sheegen inay hayaan xogta weerar argagexiso ay qorsheenayaan dhaq dhaqaaqa Al-shabab inta lagu guda jiro maalmaha ciida Kirismiska.

Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Achoki ayaa sheegay in ay suurta gal tahay in Al-shabab ay qorsheenayaan weeraro ay ka geestan magaaladaasi xeebta dhacda.

Waxaa halkaasi la geeyay boolis badan gaar ahaan xarumaha muhiimka ah oo laga baqdin qabo in la weeraro.

Nelson Achoki ayaa yiri “waxaan adkeenay amaanka Mombassa gaar ahaan garoomada iyo meelaha loo dukaamaysi tago”.

Nelson Achoki ayaa suxufiyiinta kula hadlay Mombasa waxana uu ugu baaqay in ciidamadu ay galaan feejignaan xoogan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-