DAAWO SAWIRADA:- Xildhibaano Cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Jowhar

0

Doorashooyinkii Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ku soo baxay Sedex xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka soo socda ee Soomaaliya.

Mudanayaasha Maanta la doortay ayaa kala ahaa Eng: C/qaadir Caraboow Ibraahim oo helay 31 Cod, Khalliif Cabdi Cumar oo isna ku guuleystay 28 Cod iyo Maxamuud C/raxmaan Beene oo helay 27 Cod.

Xubnahan ayaa qayb ka noqon doona Golaha Baarlamanka maamulka Hir-Shabeelle u matalaya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Baarlamaankan cusub ayaa waxaa ka soo muuqday dhalinyaro wax baratay oo fir fircoon, iyadoo taariikh cusub ay dhigeen dhalinyaradii ku guuleysatay kuraastii aqalka Hoose ee deegaanada maamul goboleedyada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

4q-1-560x420 3q-1-560x420

?????????????
?????????????

1q-1-560x420